Tuesday, June 24, 2025

Axmed Madoobe oo ka tegay Shirkii Madasha Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ka tegay Muqdisho, dibna ugu laabtay magaalada Kismaayo.

Wafdi uu horkacayo Axmed ayaa maanta ka duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, Wuxuuna goor dhoweyd dib ugu  laabtay xarunta maamulkiisa ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubba ayaa dalbaday inuusan sii joogi karin Muqdisho oo maalmaha ciida uu la qaadanayo dadkiisa iyo shacabka ku nool Magaalada Kismaayo, kadib markii la isku mari waayay shirkii Madasha.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u sheegay madaxda Dowladda Federaalka inuu dib  ugu soo laaban doono Muqdisho Talaadada ama Arbacada.

Shirka Madasha ee Muqdisho oo la filayay inuu noqdo kii ugu danbeeyay ayaa khilaaf xoogan hareeyay iyadoo la isku mari la’ yahay qaab dhismeeda Aqalka Sare.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON