Wednesday, June 25, 2025

Axmed Madoobe oo kashifay qorshihii doorashada 2016 ee u qarsoonaa Puntland iyo Jubba (WAREYSI)

Hogaamiyaha maamulka Jubba ee dhowaan dib loo doortay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyay qorshe u qarsoonaa maamulada Puntland iyo Jubba oo ku saabsan qaabka loo dooranayo dowladda cusub kadib 2016-da, isagoo wakaalada wararka ee Reuters u sheegay maanta in madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya ay tahay inay doortaan madaxda maamulada dowlad Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/08/War-Murtiyeed-Somalia-Kenya.jpg
Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe

Wuxuu Axmed Madoobe wareysiga ku sheegay in madaxweynaha ay dooran lahaayeen odayaal dhaqameed iyo xildhibaanno ay markan xaaladu noqoneyso inay soo doortaan madaxda maamulada dalka ka jira.

“Soomaaliya waa dowlad Federaal ah, sidaas darteed maamulada gobolada waa inay xulaan (xubnaha) Baarlamaanka Federaalka, Anigu ma ahi dadka taageersan in odayaasha beelaha ay soo xulaan Xildhibaanada” ayuu yiri Axmed Madoobe oo Arbacadii maanta wareysi siiyay Reuters.

“Jubbaland waxaa ku hareereysan Alshabaab, waxaan u baahanahay taageero gaar ah si aanu uga adkaano Alshabaab, dhaqaale dheeraad ah, qalab milateri, mashaariic horumarineed iyo mushaar ciidan” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe oo ku adkeystay in Jubbaland ay xaq u leedahay in la siiyo qeybta ay ku leedahay hantida dowladda federaalka la siiyo oo ay ka mid yihiin taageerada dhaqaale ee deeq bixiyeyaasha laga helo.

Waa markii ugu horeysay ee si cad u shaaciyaan madaxda maamulada cusub ee dalka ka dhismay xilligan inay doonayaan in Baarlamaanka soo socda ay iyagu soo xushaan, taasoo ahayd qorshe u qarsoon maamulada Puntland iyo Jubba.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON