Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo oo muddo toddobaadyo ah oo ku sugnaa, wuxuuna ka hadlay arrimo badan.
Axmed Madoobe oo ka hadlayay xaalada siyaasada Dalka ayaa sheegay in Shirka Garowe aanu ahayn shir amni ee uu yahay shir siyaasadeed oo ay tahay in laga heshiiyo siyaasadda oo ay hoos imaanayaan Amniga, Doorashada, Dastuurka, ayna isla qaateen in shir siyaasadeed oo la isku fahmo waxa la sheeganayo.
Wuxuu kaloo Axmed Madoobe ka hadlay arrimaha amniga, gaar ahaan amniga magaalada Kismaayo, wuxuuna caddeeyay inuu doonayo doorasho xalaal ah inay ka dhacdo Jubbaland, ayna gaartay Kismaayo meelaha ugu amniga badan Soomaaliya. “Waxaan aad walaac uga qabaa in Muqdisho ay nooga yimaadaan wax amniga wax u dhimaya.. cida uun ayaa mas’uuliyadeeda qaadi doonta, waan ka digayaa.. sax ma aha in la isku qaldo deganaanshaha iyo damaca siyaasadda..” ayuu yiri Axmed Madoobe.
HOOS KA DAAWO