Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo ayaa shaaciyay in 10 Xildhibaan lagu soo kordhin doono xildhibaanada Baarlamaanka Jubba oo markii hore ahaa 75 xildhibaan isagoo hadda noqon doona 85 xildhibaan.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inay arrintan ka timid markii la-tashiyo lala sameeyay dowladda Federaalka, dadka reer Jubbaland iyo Beesha caalamka ay qaateen in dib loo fiiriyo cabashada dadka xuquuqda kaga maqan yihiin, inay go’aansadeen in baarlamaanka Jubba lagu daro 10 xubnood.
Wuxuu intaas raaciyay in xubnaha cusub ee lagu daray baarlamaanka Jubbaland beel waliba cabasho qabtay soo gudbin doonto beeshooda iyo meesha ay kasoo jeedaan, ayna goobjoog ka noqon doonaan dowladda Federaalka, IGAD iyo maamulka Jubba.
“Waxaan idin caddeynayaa sidii markii hore ay IGAD garwade ka noqon doonto sidii ay garwadeen uga ahayd shirki Addis ababa” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sharxay sababta keenay in arrintan ay dhacdo, wuxuuna caddeeyay inay doonayaan in loo gudbo degmo ee aan ka gudubno 4.5 iyo qabiilka wax lagu cabiro.
Arrintan ayuu Axmed Madoobe kusoo beegay iyadoo Sabtida lagu wado in 4 sano oo hor leh loo caleemo saaro jagada madaxweynaha Jubbaland, waxaana arrintan gadaal ka riixayay dowladda Federaalka. Dhinaca kale go’aanka ka soo baxay Axmed Madoobe ayaa caddeyn buuxda u ah inuu isagu yahay qofka go’aanka u danbeeya leh mar haddii uu kordhinayo tirada Baarlamaanka.
HOOS KA DAAWO
[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?t=17&v=zemQx_4QjS0″]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]