Wednesday, June 25, 2025

Axmed Madoobe oo laga sugayo ku dhawaaqista Golaha wasiirada Jubba & waqtigii oo kasii dhammaanaya

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qarka u saaran inuu mar kale waqtigu ku dhammaado iyadoo laga sugayay inuu soo magacaabo golaha wasiirada Jubbaland oo u xayiran muddo laba bilood ah, waxayna wararkii ugu danbeeyay ee Kismaayo sheegayaan in golaha wasiirada ay gabagabo yihiin.

Axmed Madoobe Musharax madaxweynaha Jubba
Axmed Madoobe madaxweynaha Jubba

Axmed Madoobe ayaa hore u heystay inuu muddo 21 maalmood ah ku dhiso gole wasiiro sida uu sheegayo Dastuurka Maamulka Jubbaland qodobkiisa “Awoodaha iyo masuulyaadka Madaxweynaha Jubbaland “72 aad, farqadiisa 3aad marka la doorto Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu Golaha Wasiirada maamulka ku soo dhisi doonaa muddo dhan 21 casho.

Axmed Madoobe oo la doortay 15-kii Ogost ayuu waqtigaasi ku dhamaaday 5-tii September, kadibna waxaa Baarlamaanka Jubba ay muddo bil kale ah ugu dareen markii uu codsaday Axmed Madoobe, iyadoo waqtiga loogu daray uu ku eg yahay hadda 5-ta bishan oo ku beegan Isniintan fooda nagu soo heysa.

Lama oga in Axmed Madooba muddo kale u baahan doono in waqtiga loo kordhiyo, waxaase la filayaa inuu ku dhawaaqo inta badan golaha wasiirada maamulka Jubba oo wasiiro badan ay rajo qabaan in lagu soo daro liiska.

Goobjooge.com

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON