Tuesday, July 15, 2025

Axmed Madoobe oo magaalada Jigjiga kulamo kula leh madaxda Kilinka Shanaad

Madaxweynaha maamulka Jubba  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo socdaal ku maraya dalka Itoobiya ayaa tegay magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamul goboleed Itoobiya, iyadoo uu soo dhoweeyay madaxweynaha maamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar.

Lababa dhinac ayaa wadahadal uga bilowday xarunta madaxtooyada Kilinka Shanaad, waxaana la sheegay inay ka wadahadlayaan xiriirka labada is maamul ee ka kala tirsan Soomaliya iyo Itoobiya.

Maamulka Jubba ayaa sheegay Axmed Madoobe ay casuumaad ka heleen dhigiisa Cabdi Maxamud Cumar, waxayna warar hore u soo baxay sheegayeen in Axmed Madoobe waanwaan ka dhex bilaabayo maamulada Kilinka Shanaad iyo Galmudug oo dagaalo ku dhex mareen xuduudaha labada maamul.

Waxaa lagu wadaa in dhowr maalmood ay magaalada Jigjiga joogaan madaxweynaha Jubba iyo wafdigiisa

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON