Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee u yimaada Muqdisho shirka Madasha Qaran oo Muqdisho ka furmeysa maalinta Beri ah.
Axmed Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. wuxuuna warbaahinta kula hadlay garoonka Muqdisho, isagoo sheegay inay muhiim tahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo doorasho ka dhacda dalka.
Wuxuu sheegay in laga hadlayo qaabka doorashada, wuxuuna ugu baaqay hogaamiyeyaasha inay mas’uuliyadda ay hayaan Alle uga baqaan, wuxuuna ku booriyay inay masaalixda shaqsiga ah ka hor mariyaan danahooda gaarka ah.
Madaxweynaha Galmudug ayaa isagu horeba ugu sugnaa Muqdisho, waxaana isla maanta la filayaa inay soo gaaraan caasimadda Madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Goobjooge.com