Monday, July 14, 2025

Axmed Madoobe oo olole ugu jira in dib loo doorto & Dastuur lagu muransan yahay oo lagu ansixinayo Kismaayo

Shir la isugu keenay ergooyin ka socday gobolada Jubada hoose, J/dhexe iyo Gedo ayaa ka furmay magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegay in lagu ansixin doono dastuur loo sameeyay maamulka Jubba, waxaana shirkani oo socon doona 28 July ilaa 1-da Ogost 2015.

Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa
Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa

Dastuurka loo sameeyay Jubba ayaa waxaa qoray guddi maamulkaasi u saaray, waxaana shirka ergada maamulka Juba lagu wadaa inuu soo dhammaado maalinta 1-da Ogost, iyadoo maamulku ku doodayaan in Dastuurka Jubba la gaarsiiyay degaanada maamulkaasi hoos taga oo gobolka J/dhexe gebi ahaantiis ay Alshabaab gacanta ku heysto, isla markaana gobolka maamulka Gedo ka jira uu khilaaf kala dhaxeeyo maamulka Juba, laguna wado inay dhowaan u furanto waanwaan.

Hogaamiyaha Juba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa xilliyadii danbe ku jira olole weyn oo uu ku dedejinayo ansixinta Dastuurka Juba, iyadoo uu waqtigu ka dhacayo isla Ogost 2015 markii uu xilka 2 sano  KMG ah uu hayay. Axmed Madoobe oo doonaya in dib xilka loogu doorto iyadoo aanay jirin cid la tartameysa ayaa laga cabsi qabaa in xiisad cusub ay ka dhaliso degaankasi.

????????????????????????????????????
ERGADA SHIRKA KISMAAYO KA SOCDA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hore madaxweyne ugu magacaabay Axmed Madoobe ayaa mar kale ku  taageeraya inuu xilka ku soo laabto, laakiin waxaa muran badan ka taagan yahay dastuurka lagu wado in lagu ansixiyo shirka hadda ka socda Kismaayo oo dad badan sheegeen inuu awood badan siinayo madaxweynaha, maadama isaga la dooranayo balse ku xigeenadiisa uu magacaabayo madaxweynaha.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON