Axmed Madoobe oo qaabilay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya & Lacag lagu wareejiyay [Sawiro]

0

Wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya iyo Guddiga Gurmadka fatahaadda oo tegay magaalada Kismaayo ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka ayaa ka danbeeyay kadib markii wafdiga ay ku wareejiyeen maamulka Jubbaland lacag dhan $250,000 (Laba boqol iyo Konton kun oo doolar) oo 150,000 oo ka mida ay caddaan ahayd, inta kalena account ay ku shubi doonto dowladda Soomaaliya.

Lacagtaas ayaa lagu wareejiyay madaxweynme ku xigeenka labaad ee Jubbaland C/qaadir Lugadheere iyo guddiga abaaraha ee maamulkaasi, waxaana hore dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ugu yeertay kuna wareejisay lacag dhan 100-kun oo doolar Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Waa kulankii ugu horeeyay iyo xiriir ay yeeshaan xukuumadda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe kadib markii uu dhowaan si weyn u dhaliilay dowladda Soomaaliya iyo qaabka ay u shaqeyso, isagoo ku eedeeyay inay Gobolka Gedo deeq geystay iyadoo aan kala tashan maamulkiisa.

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 1 person, sitting