Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib muddo dheer oo uu ku qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo hadda ah meesha ugu badan ee uu waqtigiisa ku qaato kadib magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa magaalada Nairobi ku sugnaa tan iyo 30-kii Bishii Oktoobar, isagoo ku dhowaad saddex toddobaad Nairobi fadhiyay xilli laga sugayay inuu soo dhiso golaha wasiirada maamulkiisa oo tan iyo bishii Ogost aan la magacaabin.
Markii uu ka degay garoonka magaalada Kismaayo ayaa sida caadada u ahayd uu diiday inuu wax war ah siiyo saxaafadda isagoo u gudbay xarunta Madaxtooyada.
Socdaal la filayay inuu ku gaaro magaalada Adiss ayaa dib u dhac ku yimid sababo aan la ogeyn iyadoo Itoobiya ay ciidamo hor leh dhowaan geyneyso magaalada Kismaayo.
Goobjooge.com