Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo shaaciyay inuu sharxan yahay jagada Madaxweynaha Jubba

Hogaamiyaha maamulka Jubba ee xiligiisu sii dhammaanayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo kadib markii muddo dhowr maalmood ah ku sugnaa degmada Doolow, wuxuuna isla markii uu ku laabtay magaalada Kismaayo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tartamaya xilka madaxweynaha Jubba.

Axmed Madoobe Musharax madaxweynaha Jubba
Axmed Madoobe Musharax madaxweynaha Jubba

Axmed Madoobe wuxuu ka sheegay shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay inuu ka mid yahay musharaxiinta xilka maamulka Jubba u loolamaya, iyadoo lagu wado in doorashada ay 15-ka bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu magacaabay Guddi ka kooban 5 xubnood maamulkiisa uga qeyb geli doona wadahadalo dhowaan la filayo inay ka furmaan magaalada Muqdisho oo looga wadahadli doona xalinta khilaafka ka dhex taagan  Jubba iyo Xukuumada Federaalka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON