Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo Shir kala qeyb galay Wakiilada Beesha Caalamka & Dowladda Somalia oo…

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay xaaladaha dalka ka taagan ee fatahaadda iyo cudurka Coronavirus.

Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada USA, UK, Norway, Sweden , Germany Kenya, Itoobiya, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka Covid19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar kamid ahna ay u dhinteen iyo arrimo kale sida xiriirka dowladda Federaal iyo maamulka Jubbaland

Dowladda Soomaaliya ayaan shirkaasi ka qeyb gelin, waxaana la filayey inuu ka qeybgalo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo hore uga qeyb galay shirar ay wakiilada beesha caalamka la yeesheen madaxda Puntland iyo Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON