Tuesday, June 24, 2025

Axmed Madoobe oo tegay Doolow & Muran ka taagan socdaal uu ku tegi lahaa Baardheere

Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la tegay degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo, isagoo ay la socdaan qaar ka mida mas’uuliyiinta maamulkiisa.

ahmadobe

Socdaalka Axmed Madoobe ayaa salka ku haya sidii u uu muujin lahaa in maamulkiisu gaarsiisan yahay gobolka Gedo oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka degaankaasi si weyn uga horjeedaan, waxaana lagu waday inay bilaabato waanwaan labada dhinac la isugu keeno oo Itoobiya ay dhexdhexaadineyso.

Madaxweyne ku xigeenka Jubba C/llaahi Fartaag oo ku sugnaa Baardheere tan iyo intii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka la wareegeen ayaa isna u baqoolay dhinaca Doolow si uu ugu biiro wafdiga Axmed Madoobe.

Lama oga in Axmed Madoobe tegi doono magaalada Baardheere oo madaxda Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka ay diidan yihiin, inkastoo uu taageero ka heysto ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada.

Siyaasiyiinta gobolka Gedo ayaa hore uga biyo diiday in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo loogu yeero inay yihiin ciidamo ka tirsan maamulka Jubba, arrintaas oo C/llaahi Fartaag uu markii dambe ogolaaday inuu ka noqdo ujeedkiisii ahaa in Baardheere ay la wareegeen maamulka Jubba.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON