Madaxweynaha dhowaan la doortay ee maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maana ka dhoofay magaalada Kismaayo isagoo ku soo jeeda magaalada Nairbi ee dalka Kenya. Wuxuu socdaalkiisu imaanayaa iyadoo aan loo caleemo saarin xilka loo doortay taasoo aan badanaaba dhicin.
Safarka Axmed Madoobe oo la doortay 15 -kii bishaan ayaan wax faahfaahin ah laga bixin socdaalkiisa xilliga xasaasiga ah ku soo beegmay, laakiin wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in socdaalkiisu la xiriiro arrimo caafimaad oo Axmed Madoobe baaritaan caafimaad u aadayo magaalada Nairobi kadib xaalad caafimaad darro oo la soo gudbnootay.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay madax ka tirsan maamulka Jubba.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]