Wafdi ka socday dalka Turkiga ayaa booqday degaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo, kadib socdaal ay ku tageen magaalada Kismaayo iyo kulamo ay la yeesheen madaxda maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay la socdaan wafdiga uu hogaaminayo madaxa Dowladaha hoose ee dalka Turkiga Hayrettin Gungor, Ganacsato iyo Safiirka Dowlada Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar ayaa maanta booqday deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubada hoose, iyagoo indha-indheynaya mashaariic ay maalgelin karaan.
Wafdiga Turkiga ayaa indha indheyn ku sameeyay degaanka Goobweyn oo ah goob ku haboon dalxiiska iyo qaabka looga faa’iideysan karo, inkastoo xaaladda amniga ay dhibaato ku heysto maadama aysan Alshabaab ka ag dhowdahay.