Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyagoo ku sii jeeda magaalada Istanbul si ay uga qaybgalaan shirka caalamiga ah ee Soomaalida.
Isagoo ka hadlayay intaanu ka ambabixin Kismaayo ayuu sheegay inay ka qeyb geli doonaan shirka Istanbuul oo ay sii mari doonaan Nairobi oo transit ku yihiin, shirka ayuu sheegay in looga hadli doono arrimaha ammanka iyo waxa Soomaalida u qabsoomay ee isbedelka siyaasadda.
“Anigu waxaan rumeysanahay Istanbuul la tegyaa iyo London la tegyaaba inay fiicnaan lahayd Soomaalidu inay iyadu tashato oo gudaheeda oo wax isku ogaato, waxaan rajeynayaa inuu shirkaasi guul ku dhamaado, waxaan filayaa sida loo fulin doono arrimaha doorashada, waxaa igula muhiimsan arrimaha amniga dalka..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo saxaafadda la hadlay intii aanu ka duulin garoonka Muqdisho.
Goobjooge.om