Sunday, July 20, 2025

Axmed Madoobe: “Waxaan aaminsanahay inaan yeelano dowlad dhexe oo xoog leh sidii toddobaatameeyadii…” DHAGEYSO

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka dhawaajiyay wax uu ka aamisan yahay dowladnimada Soomaaliya iyo federaalka, isagoo caddeeyay shaqsiysan inuu aaminsan yahay nidaamka dowlad dhexe inay Soomaaliya yeelato.

Axmed-Madoobe

Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuu ku riyoonayo Soomaaliya oo dib ugu noqota sidii ay ahayd xaaladii ay ku jirtay toddobaatameeyadii  oo ahayd dowlad dhexe ee xoog leh, balse nidaamka federaalka hadda socda ayuu ku tilmamay inuu yahay mid kumeelgaar ah.

“Shaqsiyan anigu waxaan ahay dadka rumeysan in federaalka meel ku gaar yahay, dowlad dhexe oo toddobaatameeyadii oo kale inaan yeelano ayaan ku riyoonayaa inaan gaarno”. ayuu yiri Axmed Madoobe oo intaas ku daray in Soomaalinimada cid uga horeysa Jubaland aanay jirin. Wuxuu balan qaaday inay ka shaqeynayaan midnimada Soomaaliya, walaalnimadeeda iyo inaysan gacan ka geysan kala geynteeda.

Hogaamiyaha Juba ayaa hadalkan ka jeediyay xafladii shalay lagu ansixiyay dastuurka Jubba oo la sheegay in 300 ergo ah ansixiyeen, wuxuuna hadda u taagan yahay musharaxnimada jagada madaxweynaha Juba oo lagu wado inuu dib ugu guuleysto, waana markii ugu horeysay ee uu si furan uga hadlo fikirkiisa federaaleynta Soomaaliya.

Dhageyso Codka Axmed Madoobe

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON