Hogaamiyaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo kamid ah musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Jubba, isla markaana la ogyahay inuu xilkaasi dib ugu soo laaban doono ayaa ka mid ahaa musharixiinta maanta ka hadashay Baarlamanaka Jubba, isagoo jeediyay khudbadiisa ku saabsan waxqabad si loo loo doorto.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu wax badan qabtay intii uu xilka hayay marka loo eego caqabadaha hortaagnaa. “Waxa aan sheeganayaa in doorasho xor ah ay Kismaayo ka dhacdo, iyadoo Jubbaland ay is dooranayaan” ayuu yiri Axmed Madoobe oo muddo 15 daqiiqo ah oo la siiyay ku faahfaahiyay in Jubbaland ay tahay meel Soomaali oo dhan aanay marti ka noqoneynin, una noqon doonta tusaale ay ku daydaan.
“Waxaan balanqaadayaa haddii aan xilka ku soo laabto inaan Baarlamaanka ku soo celiyo cabashooyinka jira ee dhinaca dhismaha Baarlamaanka dadka ka qaba in dib loo fiiriyo.. arrintaasina wadahadal ayaan kala galnay golaha wasiirada iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana balanqaadnay inaan howshaas waqtigeeda sii doonno” ayuu yiri Axmd Madoobe.
HOOS KA DAAWO
[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=rq1JAzcKGbM”]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]