War kasooo baxay Hay’adaha Amniga Dowladda Feeraalka ayaa lagu sheegay in laga hortegay oo la burburiyey gawaari qaraxyo lagu diyaariyey.
Warkan oo goor dhoweyd soo baxay ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee kala shaqeeya Amniga ay ka hortageen baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaatayo shacabka Soomaaliyeed.
Baabuurta qaraxyada siday ayaalagu beegsaday meelo u dhow degmada Jilib, Kunya Barow iyo Xaramka, iyadoo dhammaantood la’ baabi’iyey, sida lagu sheegay warka ay baahiyeen warbaahinta dowladda.
Saaxiibada beesha Caalamka ee amniga ka taageera Soomaaliya ayaa loola jeedaa Mareykanka iyo duqeynta ay Soomaaliya ka fuliyaan diyaaradihiisa u badan Drone-ka is wada.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
