Waxaa maalmihii ugu danbeeyay baraha warbaahinta bulshada sida FACEBOOK dhex wareegayay sawir la farsameeyay oo lagu fadeexeynayo madaxweyne Xasan Sheekh, haddaba Goobjooge.com waxay keydka ka soo heshay xaqiiqada sawirkaasi iyo sida loo bedelay, waxayna arrinta oo dhami ahayd safiir Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya oo madaxtooyada Villa Somalia lagu qaabilay, kaasoo waraaqdiisii aqoonsiga danjirenimo u akhrinayay madaxweynaha.
HOOS KA AKHRI WARKA IYO SAWIRADIISA OO DHACAY 31 AUGUST 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Safiirka cusub ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihiisa Aqoonsiga ee danjirinimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Ethiopia u soo magacawday Soomaaliya.
Madaweyne Xasan Sheekh oo safiirka cusub ee Ethiopia Wondimu Asaminew ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxa uu ugu horeyn Madaxweynuhu ka guddoomay waraaqiihii aqoonsi ee safiirnimo, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan iyo sidii loo horumarin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal ka dhexeeya.
Dowladda Ethiopia waxay kamid tahay dowladaha xiriirka dhow oo saaxiibtinimo la leh Soomaaliya, waxa uuna safiirkan cusub badali doonaa safiirkii hore ee dalkaasi uga wakiilka ahaa Soomaaliya.
Xigasho: Radio Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-1″]