Monday, June 23, 2025

Baarlamaanka: Anna waa i kan (W/Q: Yusuf Garaad)

Baarlamaanka ayaa maanta soo saaray baaq ku wajahan Madasha wadatashiga ee nidaamka doorashada 2016.

Baaqa Baarlamaanku wuxuu u muuqdaa in uu sii biirinayo cadaadiska lagu hayo Madaxda Madasha fadhida oo looga dalbayo in ay gaaraan go’aan ay isaga raalli yihiin.

Haddana baaqu wuxuu ka digayaa go’aanka la qaadanayaa in:

  • Aanuu wax u dhimin Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.
  • Horseedin Xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo colaad horseedi karta.
  • La waafajiyo Dastuurka ayada oo la marayo hey’adaha Dastuuriga ah ee ay khuseyso.

Hallkan waxaan kugula wadaagayaa macnaha iiga baxay saddexda qodob ee digniinta ah.

Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

Laba macne ayaa iiga muuqda.

In aan la qaadan go’aan jujuub ah oo keeni kara in Dowlad Goboleedyada qaarkood ay ka niyad jabaan ka mid ahaanshaha Dowladda Soomaaliya oo markaas ayaga oo aan afka ka dhihin ay billaabaan ama sii kordhiyaan in ay u dhaqmaan si aan u daneyneyn wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Midda labaad ee iiga muuqata waxay tahay in aan Aqalka Sare ee Baarlamaanka lagu koobin Dowlad Goboleedyada hadda jira ee la aqoonsan yahay iyo midda ku foolaneysa Webiga Shabeelle jiinkiisa. Waxay taasi la mid tahay in Somaliland la siiyo shahaaddo caddeyneysa in aanay dalkan xuquuq ku lahayn oo laga tashaday.

Xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo colaad horseedi karta.

Arrintani waxay iila ekaatay in loola jeedo in haddii Madashu ay isku daydo in ay sadbursi aan maangal ahayn ay hirgeliso dalka in uu horseed u noqon karo qalalaase siyaasadeed iyo/ama mid amni.

Tusaale waxaa u soo qaadanayaa laba:

Waxa dhici kara haddii laga boodo 4.5 iyada oo aan tirkoob la sameyn, isla markaana aan la is qancin ee ay dhacdo in Baarlamaanka ay qabaa’ilku ku kala bataan.

Haddii shacabka faraha badan ee magaalada Muqdisho loo diido Aqalka Sare ee Baarlamaanka in ay wakiil ama wakiillo ay ku lahaadaan.

In la waafajiyo Dastuurka ayada oo la marayo hey’adaha Dastuuriga ah ee ay khuseyso.

Qodobkan Baarlamaanku wuxuu na xusuusinayaa in uu isagu yahay hey’adda keliya oo sharci dejin karta wakhtigiisana ay weli uga harsan tahay dhowr bilood. Sidaa darteed wuxuu Dowladaha Gobollada iyo Madaxda Laamaha kale ee Federaalka uu uga digayaa in aanay isku deyin in ay shaqada Baarlamaanka la wareegaan. Wuxuu xusuusinayaa in go’aanka Madashu aanuu sharci noqon karin ilaa ay Xildhibaannada Baarlamaanku ay ku tufaan.

Anigu sidaas ayaan u fahmay ee adiga maxaa kaaga baxay?

Posted by

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON