Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lacagtii ugu badneyd dul saaray musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Kulankii koowaad, ee labada aqal ee Baarlamaanka wadajir ugu yeesheen Xarunta Baarlamaanka ayaa qodobadda maanta looga dooday waxaa ka mid ahaa khidmooyinka laga qaadayo musharixiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka.
Dood dheer kadib waxay Baarlamaanku ansixiyeen in musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha laga qaado lacag dhan 30,000 Doolar oo aha qiimihii ugu badnaa ee uu bixiyo musharax madaxweyne, halka musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka laga rabo inay bixiyaan lacag dhan 15,000 Doolar, halka guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka laga rabo lacag dhan 10,000 Doolar.
Dhinaca kale baarlamaanka ayaa Musharax kasta oo madaxweyne u asteeyay inuu heysto saxiixa 20 xildhibaan, iyadoo xildhibaan kasta uu u saxiixi karo 3 musharax Madaxweyne.
Musharixiin badan ayaa laga yaabaa inay ka haraan doorashada iyadoo lacagtu aad uga badan tahay doorashadii hore ee musharaxa madaxweyne uu bixiyay 10,000 Doolar.
Goobjooge.com