Wednesday, June 25, 2025

Baarlamaanka DDSI oo xasaanadii ka qaaday xubno uu ka mid yahay madaxweynihii hore Cabdi Iley

Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xasaanadii ka qaaday xubno uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), tasoo dhabaha u xaareysa in dacwad lagu soo oogo.

Kulan ay Baarlamaanka DDSI ku yeesheen MagaAlada Jigjiga gelinkii danbe ee maanta oo lagu ansixiyey madaxweynaha cusub Mustafe Muxumed Cumar ayaa sidoo kale xasaanadii looga qaaday 7 xubnood oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulkaasi, kuwaasoo uu ugu horeeyo madaxweynihii hore oo hadda lagu hayo magaalada Addis ababa.

Xubnaha xasaanada laga qaaday waxay kala yihiin:

1- Cabi Maxamuud Cumar – Madaxweynihii hore

2- Raxma Haybe, guddoomiyaha haweenka

3- C/jamaal Axmed, Madixii Cadaaladda

4- Ibrahim Aadan Sa’ab, Madixii Waxbarashada

5- Deeq Ahmed Buraale

6- Ibrahim M. Mubarak,Duqii Jigjiga

7- Cumar Mohamed Rooti

Arrintan ayaa ka danbeysay war kasoo yeeray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo uu ku sheegay in sharciga la hor geynayo madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON