Tuesday, July 1, 2025

Baarlamaanka Federaalka oo ansixiyay kharash dhimistii lagu sameeyay Miisaaniyadda 2015

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay isbedel lagu sameeyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, oo lagu yareeyay kharashaadka dowladda laguna dhimau mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha.

baarlamaanka

Fadhigii maanta ee  mudanayaasha Baarlamanka ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ayaa lagu ansixiyay isbedelka miisaaniyadda 2015-ka oo ay soo jeediysay wasaaradda Maaliyadda kadib markii uu dib u dhac ku yimid miisaniyadii  2015-ka oo ay horay u meel mariyeen golaha shacabka.

Wasiirka maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim (Fargeeti)  ayaa  sheegay  in  dib u eegista miisaniyadda lagu sameeyay inta badan talooyinkii ay soo jeediyen xildhibaanadda barlaamaanku markii la horkeenay  bishii hore.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari  ayaa kula dardaarmay guddiga Arrimaha bulshadda Barlamaanka Soomaaliya  in ay baaritaano ku soo sameeyaan  tiradda  macalimiinta  wax ka dhigta dugsiyada dowladda  sida ay codsatay ayuu yiri wasaaradda Maaliyadda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON