Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wax ka bedel ku sameeyay labo qodob oo ka mida Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar.
Labada qodob ee lagu sameeyay wax ka bedelka ayaa kala ah: qodobka 136-aad oo dhigayay Qaadashada wax kabadalka Dastuurka iyo Qodobka 60-aad oo asna dhigaya Mudada Xil heynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada Codka u qaaday wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ayaa gaarayay 215 Xildhibaan, waxaana ogolaatay in isbedel agu sameeyo Qodobada aan kor ku soo sheegnay 208 Mudane, Halka Afar Xildhibaan ay diideen Saddexna ay ka Aamuseen.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ilaa Sabtidii la soo dhaafay Dood Kulul ka lahaa Wax kabadal lagu sameeyo qaar ka mid ah Qodobada Dastuurka iyadoo loo waayay kooram.