Tuesday, June 24, 2025

Baarlamaanka Hirshabelle oo xarun KMG ah ka dhigtay Hotel ku yaala Muqdisho [Xildhibaano Qaadacay]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guddoonka Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle uu shir ugu yeeray magaalada Muqdishi xildhibaanada maamulkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa xildhibaanada Hirshabeelle u diray farriimo uu ku ogeysiiyay inuu xildhibaanada shir uga furmayo magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka City palace.

Arrintan ayaa waxaa ka hor yimid xildhibaano dhowr ah oo sheegay inay sharci darro tahay shirarka Baarlamaanka Hirshabeelle in lagu qabto meel ka baxsan caasimadda maamulkaasi ee Jowhar, waxayna ku eedeeyeen madaxda Hirshabeelle inay dalxiis ku joogaan Muqdisho xilli xaalad abaareed iyo dhibaatooyin ka jiraay degaanada maamulkaasi.

Waa markii ugu horeysay ee Baarlamaan maamul goboleed uu Muqdisho ku shiro, waxaana  hore madaxweynaha Hirshabelle uu xarun uga dhigtay xarunta Nabadsugidda NISA-ta ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON