Sunday, July 13, 2025

Baarlamaanka Itoobiya oo kulan gaara ka yeeshay Doorashada Dib loo dhigay ee Dalkaasi

Golaha Wakiilada shacabka ee Itoobiya (Baarlamaanka) ayaa maanta kulankiisii saddexaad oo gaara ku leh xarunta shirarka ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, magaalada Addis ababa.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa la filayaa inuu ansixiyo Qorshe lagu qabanayo Doorashada Lixaad ee guud, taasoo loo qorsheeyay 29-ka Ogost 2020, balse dib u dhacday cudurka Coronavirus dartiis.

Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii hore soo jeedisay in la kala diro Baarlamaanka, lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah, waxna laga bedelo Dastuurka iyo afar qaab oo doorasho uga dhici karto dalka Itoobiya.

Kulanka Baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu wadaa in lagu ansixiyo Guddiyo ka shaqeyn doona qorshaha doorasho ee dalkaasi iyo lix heshiis oo deymo ay ku soo qaadatay Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON