Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa maanta bilaabaya dooda xeerarka dhammeytirka Sharciga Doorashada, kadib dib u dhac ku yimid.
Kulanka Baarlamaanka oo maanta ka dhacaya xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa, waxaana ajendaha fadhiga uu yahay ka doodista xeerka Qoondada Haweenka oo ka mida afarta xeer ee ku lifaaqan Sharciga Doorashada Dalka.
Xeerka Qoondada haweenka ayaa ah kan ugu muranka yar afarta xeer ee ay soo diyaariyeen Guddi ka kala socday labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana qeylo dhaan iyo muran weyn ka dhasheen xeerarka asteynta Kuraasta iyo maqaamka Muqdisho oo dib loo dhigay.

Caqabadda kale ee Doorashada ka taagan ayaa ah iyadoo Aqalka Sare uu ka baxay inuu ka qeyb galo kulamada Golaha shacabka oo hore loo qorsheeyay inay wadajir u dhacaan si loo dedejiyo xeerarka doorashada.