Xildhiaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa kulankooda maanta uga doodaya Guddiga Adeegga Garsoorka oo ay dhismihiisa mooshin ka keeneen 60 xildhibaan.
Waxaa Golaha hor imaan doona Wasiirada Cadaalada wasiirka Cadaalada xukuumadda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji oo su’aalo laga weydiin doono arrimha Guddiga Adeegga, iyadoo xildhibaanada ay doonayaan in guddiga isbedel lagu sameeyo.
Mooshinka ayaa salka ku haya qaab dhismeedka Guddiga Adeegga Garsoorka, waxayna arrintan ku soo beegantay iyadoo ay xiisad sharciyeed ka dhex oogan tahay Maxkamadda Sare iyo Golaha shacabka.
Wasiiro kale ayaa baarlamaanka hortegi doona sida wasiirka Dastuurka oo Baarlamaanka ay u yeereen si wax looga weydiiyo hadallo kasoo yeeray oo ku saabsan go’aan uu baarlamaanka ku diiday xukunkii Maxkamadda sare.