Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa u yeeray inuu Baarlamaanka hor yimaado kadib su’aalo xildhibaanada ay weydiiyeeen shalay wasiirka amniga.
Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar looga baahan yahay in xildhibaanada uu horyimaado isagoo heysta waqti kooban oo 24 saac ah, waxaana laga doonayaa inuu xildhibaanada horyimaado.
Ujeedada loogu yeeray wasiir Hadliye ayaa ah in xildhibaanada ay doonayaan iney wax ka weydiiyaan siyaasada arimaha dibadda dowlada federaalka Soomaaliya oo muddo hore loogu yeeray uu ka baaqdsaday isagoo sheegay inay howlo badan u yaallaan taasoo ka careysiisay guddoonka Baaralamaanka.
Goobjooge.com