Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaa ayaa maanta waqti kordhin u sameeyay Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.
Gudigan oo waqtigu ka dhammaaday, ayaa wax ka bedelka Sharci Numbar 75 ee lagu dhisay Guddiga, Qodobkiisa 10-aad ee ku saabsan Muddo Xileedka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.
Guddigan ayaa la dhisay July 2015, waxaana sharciah lagu dhisay ee L. 75 ku cad inay mudaddiis ku ekeyd Baarlamaankii dowladii Xasan Sheekh laakiin la cusbeenneysiisay, iyadoo markaas ay ahayd inuu oo gabagabeeyo una gudbiyo tallooyinkiisa Baarlamaankaasi.
Guddigan oo aanay caddeyn wax howl ah oo uu qabtay ayaa muddo 4 sano oo kale ah loogu daray, isagoo la kowsan doona Baarlamaanka 11-aad ee soo socda, waxaana ku baxa kharash badan.
145 xildhibaan oo kulankii Baarlamaanka maanta ka qeyb gashay ayaa u codeysay in 4 sano oo dheeraad ah loogu daro Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.
