Dood kulul ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kala hor yimaadeen heshiiska Qaabka doorashada 2016 ee ay gaareen madaxda dowlada Federaalka iyo madaxda maamulada dalka.
Doodii koowaad ayaa xildhibaano badan ka hor yimaadeen qodobo badan oo ka mida heshiiska, waxayna qaarkood ku tilmaameen heshiis xaaraan ah.
Dooda oo maanta socon doonta ayaa laga daraamey sida xildhibaanada u diidan yihiin heshiiska qaabka doorashada, waxaana is qoray xildhibaano fara badan oo doonaya inay ka hadlaan heshiiska.
Arrimaha ugu waaweyn ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ka hor yimaadeen waxaa ka mida:
- Dhismaha Guddiyada Doorashada iyadoo uu jiro Guddi Qaran oo doorasho
- Maqaamka Muqdisho iyo Aqalka sare
- Soo xulitaanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka
- iyo awoodda madaxda dowladda iyo madaxa maamulada dalka
Guddoonka Baarlamaanka oo ka mida madasha qaran ee heshiiska gaaray ayaa culeyska ugu weyni saaran yahay, waxaana lagu wadaa in maanta ay dooda soo dhammaato.
Goobjooge.com