Saturday, July 26, 2025

Baarlamaanka Puntland oo xil ka qaadis kale ku sameeyay Guddoomiye Saciid Cali Shire

baralam

Xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta shirkoodii sii watay markii uu is casilay guddoomiyahoodii saaka, waxaan kulankooda shirk guddoominayay Gudoominayey Cabdixamiid Cabdisalaan, iyadoo ay soo xaadireen  50 xildhibaan.

Xildhibaanada Puntland ayaa sii watay inay  ka hadlaan mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiye Saciid Cali Shire oo is casilay, waxaana xoghaya Baarlamaanka Cali Dhahar u akhriyey mooshinka  ay saxiixeen 40 xildhibaan.

Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntand ayaa cod u qaaday mooshinka waxaana ogolaaday 47 mudane halka ay diideen 2 xildhibaan, waxaana codbixinta ka aamusay xildhiban kale. Gudoomiye-kuxigeenka Cabdixamiid Cabdisalaam ayaa sheegay in sidaas ay xidhibaanaddu go’aan ku gaareen in xilka ay ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Saciid Xasan Shire.

Xildhibaanadu waxay sidoo kale cod u qaadeen Is-casilaada Gudoomiye Saciid Xasan Shire iyo xubintiisa xildhibaanimada oo uu iska casilay, waxaana Ogolaaday iscasilaada 45 xildhibaan halka ay diideen 5 xildhibaan.

Puntland ayaa u muuqata in xiisad siyaasadeed la geliyay oo hadda olole kale loo geli doono in la buuxiyo jagadan iyadoo arrimo dhowr ah oo lagu heystay xukuumadda C/weli Gaas lagu daboolayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON