Friday, June 27, 2025

Baarlamaanka Somalia oo shir xasaasi ah ka yeeshay tallaabo laga qaado xukuumadda Cumar C/rashiid

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gaara oo albaabada u xiran yihiin galay galabnimadii maanta kadib markii ay dib u celiyeen wasiirka Amniga Gudaha oo la filayay inay la socdaan taliyeyaasha ciiidamada Booliska iyo Nabadsugidd oo ka baaqsaday kulankaasi.

Baarlamaanka ayaa dood kulul ka yeeshay xaaladda amniga dalka, waxaana jiray soo jeedin ku saabsan tallaabada xigta ee Baarlamaanku qaadayo, laakiin shirka oo muddo dheer socday ayaa la sheegay inay uga doodeen laba aragti oo kala ah:

  1. In Ra’iisal wasaaraha loogu yeero inuu hor yimaado Baarlamaanka kadibna codka kalsoonida loo qaado xukuumadiisa.
  2. Iyo in la soo hormariyo doorashada 2016 oo lagu waday inay dhacdo September, xildhibaanadana la soo xulo Ogost 2016.

Arrimahan ayaa dood badan ka dhaliyay Baarlamaanka dhexdiisa, waxaana jira xildhibaano ka biyo diiday soo hormarinta doorashada kuna tilmaamay sharci darro aan waafaqsaneyn Dastuurka.

Xildhibaanda qaarkood ayaa soo jeediyay in dhibaatada oo dhan ay ka taagan tahay salna u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay tahay in tallaabo laga qaado, laakiin waxaa doodii Baarlamaanka ay noqotay mid dheeraatay oo waqti badan qaadatay.

Shirar is daba joog ah oo looga hadlayo xaallada Ammaanka dalka ayaa xilliyadii ugu danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho, waxaana shirarkaasi lahaa guddiga amniga Qaranka iyo Golaha wasiirada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON