Guddiya Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shir ka yeelanaya muranka dhashay canshuur ay soo kordhisay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Ganacasiga iyo Warshada Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beenebeene ayaa sheegay inay maanta guddigooda la kulmayaan ganacsatada ka cabanaya canshuurta iibka ee ay soo rogtayxukuumadda Soomaaliya.
Maalinta Talaadadda ayaa la sheegay inay kulmi doonaan Gudiga joogtada ah, iyadoo kulan la qaadan doona ganacsatada Muqdisho, iyadoo dhageysan doono dooda ganacsatada, iyadoo ololaha ganacsatada ay wadaan uu keenay inuu xirmo suuqa Bakaaraha.
Kulamo ay yeesheen madaxda xukuumadda, wasaaradad Maaliyadda iyo Ganacsatada Muqdisho ayaa lagu guuldarreystay in xal loogu gaaro khilaafka canshuurta iibka oo ganacstadu ay diidan yihiin.