Friday, April 19, 2024

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey xisaab-xirkii ugu horeeyay ee miisaaniyadda dowladda Somalia, kadib 2016

Xildhibaaanada Baarlamaanka Federaalka ee Golaha shacabka Soomaaliya maanta ansixiyey xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee sanadkii 2017.

Miisaaiyaddan oo ahayd tii ugu horeysay ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la ansixiyey iyadoo ay ka danbeeyeen laba miisaaniyadood, isla markaana miisaaniyadii saddexaad ay Khamiistii ansixiyeen Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa codkii loo qaaday miisaaiyadda Ogolaaday 128 Xildhibaan, halka ay dideen 8 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 5 Xildhibaan, iyadoo sidaas lagu ansixiyey xisaab xirka ay xukuumaddu kasoo sameysay miisaaniyadeedii koowaad.

Ad

Xisaabxirka miisaaniyadda 2017 ayaa la sheegay in laga waayey qaabkii loo isticmaalay lacag ku dhow 33 Milyan oo Doolar si ay sheegeen xildhibaano ka hor yimid ansixinta xisaab xirka maanta.

Waxaa nuxurka xisaab xirka miisaaniyaddan hoos u dhigay iyadoo waqti dheer laga soo gudbay oo arrimihii shakiga ka jiray ee markii hore dib loogu celiyey intooda badan la iska ilaaway, waxaana weli xukuumadda aysan xisaabxir u sameyn miisaaniyaddii 2018-ka iyo tan hadda dhammaadka ah ee 2019-ka oo wax ka bedel lagu sameeyay.

Image may contain: 11 people, people sitting
Image may contain: 7 people, people sitting and indoor

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON