Fadhigii Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee maanta la filayay in looga doodo Hindise sharciyeedka Iibka iyo Qandaraasyada ayaa isbedel ku yimid kadib markii ay soo baxday arrinta ku saabsan dhaqdhaqaaqa ay Kenya ka wado xuduudka Soomaaliya iyo dhulka degaanka degmada Beledxaawo ee ay ku soo durugtay, waxayna xildhibaanadu isku raaceen in laga dooday arrintan xasaasiga ah.
Xildhibaano badan ayaa dood ka jeediyay golaha Baarlamaanka iyadoo ka hadlay dhul balaarsiga ay Kenya wado, waxaana xildhibaanada ku baaqeen in loo yeero Wasiirada arrimaha gudaha iyo dibadda ee xukuumadda Soomaaliya si arrintan wax looga weydiiyo.
Xildhibaano ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Yuusuf, C/llaahi Goodax Barre, Cabdi Xaashi C/llaahi iyo kuwo kale ayaa si weyn u dhaliiyay kaalinta dowladda Soomaaliya iyagoo tilmaamay inaysan dalka ka jirin dowlad la isku haleyn karo.
Doodii xildhibanada oo aad u kululeyd ayaa isugu soo biyo shubatay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka soo horjeedo dhul balaarsiga ay dowladda Kenya ka wado xuduudka Soomaaliya isla markaana dowladda Soomaliya loogu baaqo inay arrintan tallaabo ka qaado.
Goobjooge.com