Kulankii maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga qeybiyay qaraar ku saabsan duqeyta ay ciidamada Kenya ka wadaan Gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale lasoo jeediyay in loo yeero Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa qaraarka la qeybiyay uu ka dalbanayaa dowladda Kenya inay degdeg u joojiso duqeynta ay ka wado Koonfurta Soomaaliya iyo in Guddi Xaqiiqo raadin ah loo diro Gobolka Gedo.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid inuu hor yimaado ugu dambeyn 30-ka Bishan Janaayo si wax looga weydiiyo waxa xukuumadiisa ay ka qabatay xaalada Gobolka Gedo iyo dhibaatada shacabka Gobolka Gedo heysata.
Goobjooge.com