Thursday, June 26, 2025

Baarlamanka Jubba oo isbedel ku sameeyay laba qodob oo caqabad ku noqday Axmed Madoobe

Baarlamaanka maamulka Jubba oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa fuliyay codsi uu u gudbiyay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo ahaa in isbedel lagu sameeyo qodobo ka mida Dastuurka Jubbaland si loo furo golaha wasiirada loona helo madaxweyne ku xigeeno.

Qodobada la bedelay waxaa kamida:

  1. Qodobka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland: oo hore u sheegayay in Hal madaxweyne ku xigeen uu yeelanayo maamulkaasi, waxaana uu codsaday Axmed Madoobe in loo bedelo laba madaxweyne ku xigeen.
  2. Qodobka kale ee wax laga bedelay ayaa ah qodobka Golaha wasiirada oo u qornaa inay golaha wasiirada noqdaan 18, waxaana laga dhigay mid furan oo tiradii la rabo laga dhigi karo Golaha wasiirada maamulkaasi.

Fadhi ay yeesheen Xubnaha Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay codsiga madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyagoo Dastuurka Jubbaland ee dhowrka bilood jira loo bedelay sidii uu rabay Axmed Madoobe oo muddo ku dhow 8 bilood awoodi waayay inuu dhiso Golihiisa Wasiirada.

Beesha Sade oo dhowaan heshiis la gashay Axmed Madoobe ayaa  ku adkeysatay in la siiyo madaxweyne ku xigeenka koowaad, iyadoo dhinaca kale beesha Sheekhaal iyo beelaha ku abtirsada ee Jubbooyinka ay suuragal noqon weyday in xilalka sare laga qadiyo iyadoo hadda uu ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenka 2-aad C/qaadir Lugadheere.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON