Monday, July 14, 2025

Badda oo ku fatahday Degmo ka tirsan Puntland & Qeyb ka mida isu bedeshay Bad

Wararka ka imanaya magaalo xeebeedda Caluula ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen magaaladaas.

Badda ayaa la sheegay inay la tagtay hanti badan iyadoo loo gurmaday dad fara badan oo laga daadgureeyay, waxaana  la sheegay in qeyb ka mida degmadii ay noqotay Bad.

Guddoomiyaha degmada Caluula, Cali-Shire Maxamuud Cismaan, ayaa  sheegay in biyaha ay qaadeen ka badan 100 guri iyo goobo ganacsi, kadib markii ay Badda ku soo butaacday.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bar ka mid ah magaalada oo idil ay biyaha saameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen gurmad ay u fidiyeen dadka ay biyuhu saameeyeen.

Dabeylo iyo hirar badan ayaa magaalada Caluula waxyeelo ku hayay ilaa bishii Apriliyadoo xaaladda ay markan gaartay in magaaladaasi ay Bad isu bedeli karto.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON