Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in bannaanbax rabshado wata oo ka dhacay magaalada uu dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.
Banaanbaxan oo ka dhashay dhalinyaro ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliska, kadib markii dad careysan ay isu soo baxeen iyagoo diidan dhalinyaro la xiray iyo saraakiil reer bari ah oo xilal laga qaaday markii C/weli Gaas uu tegay Boosaaso.
2 ruux ayaa ku dhintay 7 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray waxaana arrintan sababay markii ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Booliska iyo qaar kamida dadkii bannaanbaxa waday oo qaarkood la sheegay inay hubeysnaayeen.
Xaalada magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inay kacsan tahay iyadoo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas).
Goobjooge.com