Saturday, July 12, 2025

Banaanbaxyo Gilgilay Maamulka Soomaalida Itoobiya iyo Madaxweyne ku xigeenkii oo Xilkii laga qaaday

Banaanbaxyo aan looga baran oo looga soo horjeedo Dowlad-degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gilgilay degaanno ka tirsan maamulkasi oo ka cabanaya musuq iyo tacadiyo uu kula kacay maamulka Cabdi Maxamuud Cumar.

Degaannada ugu badan ee mudaaharaadyadu ay ka dhaceen waxaa ka mida deegaanka Shinniile, waxaana la sheegay in rabashadhan gilgilay deegaannada maamulka Soomaalida Itooobiya ay sidoo kale ka dhaceen Afdem, Bike, Erer, iyo degmada Hadhagala.

Wargeyska Addis Standard ayaa qoray in Madaxweynaha Dowlada-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Iley uu xilkii qaaday ku xigeenkiisii Cabdikariin Cigalle, kuna badalay Xamdi Aadan Cabdi oo  kasoo jeeda Degaanka Shiniile ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale, Wargeyska ayaa sababta xilka looga qaaday C/kariin Cigalle ku sheegay in laga baqay inay kordhaan dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya deegaanka Shinniile. Dadka degaankasi ayaa ku eedeeyay maamulka Cabdi Iley inuu ka been sheegay maxaabiis laga sii daayey xabsiga maamulka oo la shaaciyey inay gaarayaan 1500, balse ay ahaayeen 25 qof oo kaliya.

Waxa weli socda  dibadbaxyada rabshadaha wata oo laga cabsi qabo inay sii kordhaan oo ay saameyn ku yeeshaan Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON