Monday, June 23, 2025

Bandhig Faneedkii Hobolka Axmed Biif ee Muqdisho oo si lama filaan ah loo joojiyay [DAAWO SABABTA]

Bandhig Faneed lagu waday inuu caawa ka dhaco magaalada Muqdisho oo uu waday Fannaanka weyn ee Axmed C/kariin Maxamed (Axmed Biif) ayaa la joojiyay.

Fannaanka ayaa video uu soo duubay ugu sheegay taageerayaashiisa in laga baajiyay Showgii ay ku talogaleen, isagoo aan garaneyn sabab looga baajiyay iyo waxa sababay in laga hor istaago.

Bandhig Faneedka oo ka dhici lahaa Hotel Samiira ee magaalada Muqdisho ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu wargeliyay Fannaanka Axmed Biif iyo kooxdii waday qabanqaabada bandhigga inaan la qaban karin.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada nabadsugidda ee NISA ay joojiyeen bandhig faneedka Fannaanka Axmed Biif arrimo nabadgelyo darteed, iyadoo laga cabsi qabay in weeraro lala beegsado sida la sheegay.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON