Tuesday, July 15, 2025

Bandhig Faneedkii Kiin Jaamac ee Muqdisho [Cantoobo: Qaraxa Miyuusiga ayay Kiin Jaamac ku ruxday Caasimadda]

Bandhig faneed muran badan hareeyay ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo ay dhigtay fanaannada lagu magacaabo Kiin Jaamac oo Muqdisho dhowaan soo gaartay.

Showgii Fannaanadan ee magaalada Nairobi yaa kiciyey qeylo dhaan badan iyadoo lagu eedeeyay anshax darro iyo xishood la’aan ah inay is qaawiso, taasoo keentay in wasaaradda arimaha diinta xukuunadda iyo culimada ay ka digaan kuna baaqaan in la joojiyo bandhigyada anshax darrada ah.

Bandhigii Kiin Jaamac ayaa sidii loogu talogalay u dhacay xalay, waxaana goobta oo ahay hoolka shirkadda Sahal ee KM4 tegay dad dhalinyaro u badan, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeelan, waxaana isbedel ka muuqday fannaannada.

Wasiiro iyo Maamulka G/Banaadir ayaa si buuxda u taageerey bandhig fanneedka, waxaana dhinaceeda ka saftay xildhibaanno iyadoo dagaalka arrintan uu si weyn uga dhex socday baraha bulshada.

Guddoomiyaha degmada Hodon ee maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in fannaanada da’da yar ee Kiin Jaamac ay magaalada Muqdisho ku ruxday qaraxyo miyuusik ah, isagoo yiri: “Fanaanada da’da yar ee caanka Kiin Jaamac ayaa caawa Muqdisho ku ruxay qarax miyuusik, nolosha habeenkii ee Muqdisho caadi ayay ku soo noqotay..” ayuu yiri Maxamed Axmed Cantoobo.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON