Wednesday, June 25, 2025

Bandhigga Buugaagta oo noqday tartan u furmay Magaalooyinka Soomaaliya

Bandhigii labaad ee Buugaagta ayaa maanta ka furmay hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, iyadoo bandhigyada buugaagta ay hadda noqdeen tartan u dhaxeeya magaalooyinka Soomaaliya.

Dadweyne badan ayaa saf u galay furitaanka xaflada bandhigga carwada Buugaagta ee Muqdisho, iyadoo uu soo qabanqaabiyay Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo  sheegay in sanadkan midkii hore uu wax badan kaga duwan yahay, sidoo kalena la filayo in carwadan lagu soo bandhigo buugaag badan oo kala duwan.

Bandhigga buugaagta Muqdisho ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah 17-19 Ogosyt 2016, waxaana lagu soo bandhigay kumanaan buugaag ah.

Dhowaan ayaa carwooyin noocan oo kale ah lagu qabtay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, tani waxay calaamad u tahay in fursad la siinayo qorayaasha iyo horumarinta dhinaca qoraalka.

Bandhig-Buug

Bandhig

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON