Bandow habeennimo ayaa caawa ka dhaqan galay magaalada Muqdisho, iyadoo loo soo rogay si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.
Ciidamo Boolis ah oo fara badan ayaa la dhigay caawa magaalada Muqdisho, waxaana la xiray goobihii ganacsiga ee magaalada iyadoo dadka intooda badan ay ka xaroodeen wadooyinka salaadii Cishaha kadib.
Bandowga Habeenkii ayaa saameynta ugu weyn ku yeeshay Ganacsiyada habeenkii furnaan jiray sida Carwooyinka, Maqaayadaha, Hoteelada iyo ganacsiyada kale, iyadoo kaliya la ogol yahay inay furnaadaan Dukaamada iibiya raashinka.
Dadka Muqdisho ayaan u baran Bandow, marka laga reebo jid xiris, laakiin waxaa dhibaatada ugu weyn ku qaba Mooto-bajaajka oo habeenkii socota iyo Hoteelada iyo goobaha habeenkii la isugu tegi jiray.
Waxaa xaafadaha qaar laga soo sheegay inuusan ka dhaqangelin bandowga, halka wadooyinka qaarkood la arkayo goobo furan iyo dadweyne socda iyo gaadiid u badan Mooto Bajaajyo.
Bandowga caawa ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa socon doona habeenkii 8: 00 Fiidnimo ilaa 5:00 Subaxnimo.