Waxaa goro dhoweyd shir jaraa’id qabtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho iyagoo soo saaray go’aanno cusub oo ku saabsan bandowga iyo qalalaasihii ka dhacay magaalada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska ayaa ku dhawaaqay in Bandowgii dib loogu celiyey 8-da Fiidnimo, iyadoo laga bedelay 7-da fiidnimo si looga jawaabo cabashada dadweynaha, waxaana loo fasaxay inay dadku socon karaan.
Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shaaciyay inuu xil ka-qaadis ku sameeyay Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Boondheere oo askar ka tirsan saldhigiisa uu dilay laba qof oo shacab ah.
Taliye Xijaar ayaa sheegay in amarka Bandowga uu ahaa Amar madaxweyne, oo isagu aanu hore usoo saarin, haddana amar kale lagu bixiyey in in loogu celiyey 8-da Fiidnimo, daduna laba-laba iyo hal hal ay u socon karaan.