Friday, July 11, 2025

Bannaabax ka socda xaafado ka mida Magaalada Muqdisho, loogana horjeedo..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu bannaanbax ka socdo xaafad ka mida degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Bannanbaxayaasha oo u badan gaadiidleyda ayaa ka cabanaya dhagxaan lagu jaray wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa jidka Warshadaha, waxayna dalbanayaan in laga qaado Dhagxaantaasi oo dhowaan jidkaasi lagu xiray.

Dadka bannaabaxaya ayaa isugu soo baxay Isgoyska Ex. Kontrol Balcad, SOS, Suuqa Xoolaha iyo jidka Warshadaha, waxayna ka hor yimaadeen markii gaadiidkii dadweynaha loo diiday inay isaga gudbaan wadooyinka soo gala jidka warshadaha, iyadoo kaliya Mooto Bajaajta loo ogol yahay, waxaana socda dhagxaan la tuurayo iyo rabshado sida ay sheegeen dadka degaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON