Thursday, June 26, 2025

Bannaabaxyo looga horjeedo dadka kasoo jeeda Koonfurta Somaliya oo ka socda Puntland

Banaanbax qas iyo rabshado wata  oo lagu dalbanayo in dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ka baxaan degaanada Puntalnd ayaa ka dhacay qaar ka mida degmooyinka goboladda Puntland.

Bannaabax ka dhacay degmada Qardho ee Gobolka Bari ayaa la soo weriyay inay  ku dhaawacmeen ilaa 4 qof kadib markii dadka dibad-baxa dhigayay ay dhagxaan iyo Biro la dhaceen xarumo ganacsi iyo goobo ay leeyihiin dadka ka soo jeeda Gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

Qaar ka mida xarumaha Ganasiga ee dadka soo jeeda Koonfurta siiba Bay iyo Bakool ayaa la sheegay in Banaanbaxayaasha ay boobeen hantidooda, waxayna arrintan ka danbeysay markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay dadka Koonfurta ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan qaraxii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayna dalbadeen in laga saaro Puntland [DHAGEYSO TALIYAHA BIRMADKA BOOLISKA MUDUG].

Xiisado ka dhan ah dadka kasoo jeeda Koonfurta ee ku nool Puntland ayaa laga soo sheegay magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Boosaaso. Ma jirto weli cid arrimahan ka hadashay oo ka mida mas’uuliyiinta Puntland.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON