Wednesday, June 25, 2025

Bannaanbax ay abaabuleen Gaadiidleyda BL-ka oo ka socda magaalada Muqdisho.

Qaar ka mida Gaadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa saaka ku dhaqaaqay Bannaanbax ay uga cabanayaan lacago baad ah oo ay ku soo rogeen ciidamada dowladda.

Bannaanbaxa ayaa waxaa wada gaadiidleyda BL-ka ee ka shaqeeya Isgoyska Jardiinka ilaa Xamarweyne, waxayna darawalada Gaadiidka BL-ka ay sheegeen inay maalin kasta bixiyaan lacag dhan 2 Doolar, iyadoo ay xiran yihiin wadooyin badan, haddana saaka lagu so rogay inay bixiyaan 100-kun Shilin Soomaali (4 Doolar), taasoo keentay inay dhigaan Gaadiidka ayna bannaanbax ku dhaqaaqaan.

Wadooyinka Muqdisho ayaa u kala xiran dhowr qeybbood oo aanay gaadiidka dadweynaha isaga gudbi karin, waxaana Busteejooyinka ka howlgala ciidamo iskood lacago baad ah uga qaatay gaadiidkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON